Muqdisho, Soomaaliya | 4 Sebteembar 2026, Ururka Dawo-dhaqameedka Soomaaliyeed (UDSOM) ayaa si rasmi ah u qabtay Shirweynihiisii 1-aad maalintii Jimcaha ahayd ee taariikhdu ahayd 4 Sebteembar 2026, kaas oo lagu qabtay Hotel Dayax, Muqdisho. Shirkan ayaa ahaa mid taariikhi ah oo lagu daahfurayey jiritaanka ururka, laguna mideynayey bahda ka shaqeysa daawada dhaqanka Soomaaliyeed.
Shirweynaha waxaa kasoo qayb galay 255 qof, kuwaas oo isugu jiray xubnaha ururka, aqoonyahanno, madax ka socotay xarumo caafimaad, jaamacado, ganacsato iyo marti sharaf kale oo badan.
Ujeedooyinka Shirweynaha
Shirweynaha waxaa loo qabtay dhowr ujeeddo oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
- Daahfurka rasmiga ah ee Ururka Dawo-dhaqameedka Soomaaliyeed.
- Isbarasho iyo is-dhexgalka xubnaha ururka.
- Wargelinta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta kale ee ku saabsan jiritaanka iyo himilooyinka ururka.
- Xoojinta wada-shaqeynta bahda daawada dhaqanka Soomaaliyeed.
- Bandhigyo ganacsi oo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah xarumaha iyo adeeg bixiyeyaasha daawo-dhaqameedka.
Martidii Ka Hadashay
Barnaamijka waxaa hadallo kala duwan ka jeediyey masuuliyiin, culimo, aqoonyahanno iyo marti sharaf, kuwaas oo kala ahaa:
- Cabdiraxmaan Axmed Nuur, Guddoomiyaha Ururka UDSOM, oo daahfurey kulanka, kana hadlay himilada ururka iyo qorshayaasha mustaqbalka.
- Sheekh Ibraahim Cabdi Cali, oo ah xubin ka tirsan UDSOM, kana jeediyey wacyigelin diini ah iyo muhiimadda ay leedahay mideynta bulshada.
- Dr. Sheekh-doon Salaad Cilmi, Hormuudka Jaamacadda Jasiira, oo bogaadiyey dadaalka lagu mideynayo bahda daawada dhaqanka.
- Dr. Cabdifataax Ibraahim Cumar, Agaasimaha Shaafi Hospital, oo ka hadlay muhiimadda iskaashiga caafimaadka casriga ah iyo daawada dhaqanka.
- Sheekh Yuusuf Cali Caynte, oo ahaa marti sharaf, kana jeediyey talooyin iyo dhiirrigelin ku wajahan ururka.
- Dr. Fardowsa Daahir Aadan, Xoghayaha Ururka UDSOM kana mid ah guddiga qabanqaabada, oo sharaxday qiimaha daawada dabiiciga ah iyo baahida loo qabo horumarinteeda, iyadoo ugu dambeyn kulanka soo xirtey, bogaadisayna martida iyo madaxda kasoo qaybgashay kulanka.
Fariimaha Ugu Muhiimsan Ee Shirka
Hadaladii laga jeediyey shirweynaha ayaa si weyn loogu bogaadiyey aasaaska iyo daahfurka ururka. Sidoo kale waxaa si qoto dheer looga hadlay:
- Muhiimadda daawada dhaqanka Soomaaliyeed.
- Ilaalinta iyo horumarinta aqoonta soo jireenka ah.
- Baahida loo qabo mideynta dadka iyo xarumaha ka shaqeeya daawada dhaqanka.
- Dhismaha nidaam daaweyn oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana bulshada loogu adeego si xirfadeysan.
- Xoojinta cilmi-baarista iyo aqoonsiga daawada dhaqanka Soomaaliyeed.
Taageerayaashii iyo Howlwadeennadii Barnaamijka
Shirweynaha waxaa suurageliyey dadaal ay sameeyeen:
Aasaasayaasha Ururka Dawo-dhaqameedka Soomaaliyeed.
Guddoonka iyo xubnaha ururka.
Guddiga qabanqaabada shirweynaha.
Taageerayaal (Sponsors)
SODERMA
Xarunta Dawo-dhireedka SUNNA
Gunaanad
Shirweynihii 1-aad ee Ururka Dawo-dhaqameedka Soomaaliyeed wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu mideynayo bahda daawada dhaqanka Soomaaliyeed, lagu horumarinayo adeegyada ay bulshada siiyaan, laguna abuuro iskaashi, cilmi-baaris iyo horumar waara. Shirkan ayaa muujiyey baahida weyn ee loo qabo urur mideeya xirfadlayaasha iyo xarumaha ka shaqeeya daawada dhaqanka si loo gaarsiiyo heer qaran iyo mid caalami ah.
“Mideyn, Horumarin iyo Ilaalin.”

